Difaaca Monaco Oo Dhakafaar Ku Riday PSG Iyo Lyon Oo Hoggaanka Sii Haysa

PSG MONACOKooxda Paris Saint-Germain ayaa lumisay fursad ay ku qaban lahayd hoggaanka horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, kadib markii ay khasaarisay fursado badan oo ay goolal ku dhalin lahayd kulankii Axaddii dhex maray Monaco eek u dhamaaday barbar dhaca.

PSG oo uu ka maqnaa xiddigooda Zlatan Ibrahimovic oo ganaax ku seegay kulanka ayaa si aad ah loo dareemay, iyadoo uu Edison Cavani awoodi kari waayey in uu goolka soo taabto. Sidaas oo kale weeraryahannada Ezequiel Lavezzi iyo Javier Pastore oo weerarka ka ciyaarayay ayaa intuba khasaariyey fursado goolal noqon karayay.

Monaco oo toddobaadkii hore 3-1 ku garaacday Arsenal oo ay isku haleeleen ciyaar Champions League ahayd ayaa mar kale soo bandhigtay difaac bir ah oo soomiyey weerarka bahaloobay ee PSG si la mid ah sidii Arsenal.

Monaco wax gool ah shabaqeeda lama taabsiinin sagaalkii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka, waxaanay hiigsanaysaa in ay halkaa kaga sii hayso difaaca dhagaxa ah ee luf-dhuungashay ku noqday weeraryahannada is-waal-waalka badan ee Yurub.

Horyaalka Ligue 1 waxa hoggaaminaysa Lyon oo jab weyn kala kulantay kulan ay ku booqatay Lille kaas oo ku dhamaaday 2-1 ay ku badisay Lille. Inkasta oo laga badiyey Lyon haddana waxa ay hoggaanka ku haysaa 54 dhibcood, waxa kaalinta labaad fadhida PSG oo leh 53, kaalinta saddexaad waxa ku daansha-daanshoonaysa Marseille oo leh 50 dhibcood halka Monaco ay fadhido kaalinta afraad ayna leedahay 44 dhibcood.

Horyaalka Faransiisku waxa uu marayaa ciyaarihii 27aad, walina waa uu furan yahay tartanka hoggaanku.