Ronaldo oo Lumiyey Rigoodhe Laakiin Soo Gudey Wakhti Dambe Kulan Ay Malaga Ku Karbaasheen

Kooxda Real Madrid ayaa 3-1 kaga dul talaabsatay kooxda Malaga, oo ay ku marti gallisay garoonkeeda Santiago Bernabeu.

Xidiga Sergio Ramos ayaa gool dhalinta ku furay kubad uu koolka hortiisa ka hellay, waxaana u labeeney gool aad u qurux badan oo uu isaga uuni ka shaqeeyey xidiga da’da yar ee James Rodriguez.Real Madrid 3-1 Malaga -4

Laakiin ka hor Goolka James waxaa xusid mudan , in laacibka aduunka ee Cristiano Ronaldo ay birta kaga dhacday kubad rigoodhe ahayd oo loo dhigay.

Juanmi pulled ayaa Malaga gool u soo celiyey, laakiin wakhtigii dhamaadka Ciyaarta ayay Ronaldo u suurto gashay inuu goolkii macasalaamaha ciyaarta ku soo khatimo.Real Madrid 3-1 Malaga -5

Gareth Bale iyo Luka Modric ayaa labadaba dhaawac lagaga saaray garoonka, waxaanay Real Guusheedani suurto galisay inay cadaadiska ku sii hayso Barca oo hogaanka horyaalka ay is daba fadhiyaan.Real Madrid 3-1 Malaga -3 Real Madrid 3-1 Malaga -2 Real Madrid 3-1 Malaga -1 Real Madrid 3-1 Malaga -