Celtic 1-0 Anderlecht – Celtic Oo Ka Ciyaari Doonta Europa League

Kooxda kubadda Celtic ee ka dhisan waddanka Scotland ayaa iska xaadirisay tartanka Europa League kaddib markii ay kaalinta saddexaad ka gashay hormada B ee tartanka Champions League, halkaas oo ay kaalmaha koowaad iyo labaad kaga soo baxeen PSG iyo Bayern Munich.

Celtic oo garoonkeeda kusoo dhoweysay kooxda Anderlecht ayaa lagaga badiyey 1-0, hase yeeshee, ciyaartii hore ee labadan kooxood yeesheen ayay natiijadan oo kale ku badisay, waxaanay labadooduba yeesheen min saddex dhibcood. Sidaas daraadeed waxa la eegay goolasha laga dhaliyey, taas oo Celtic ka caawisay inay iska xaadiriso Europa league



Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com