11:33 pm - Sunday July 23, 2017

Manchester United Oo Guul Ku Bilowday Xili Ciyaareedka Cusub, Nus Dersin Goolal Ahna Ku Qarqisay LA Galaxy

Abdiwahab Ahmed

Manchester United ayaa guul farxad leh ku bilowday xili ciyaareedka cusub oo uga bilaabmay safar waddanka Maraykanka ah oo ay ciyaaro saaxiibtinimo kula yeelanayaan naadiyo kala duwan.

Kulan aad loo sugayay ayay Manchester United waaberigii wakhtiga Bariga Afrika kula ciyaartay Los Angels kooxda LA Galaxy ee ka dhisan waddanka Maraykanka, halkaas oo tababare Mourinho uu ciyaarsiiyey ciyaartooyada cusub ee uu dhowaanta iibsaday ee Romelu Lukaku iyo Victor Lindelof.

Bilowgii ciyaarta ayey orod iyo isku dhiib kubbaddu kor ugu qaadday xaraaradda garoonka oo ay fadhiyeen in 25,667 oo daawadeyaal ahaa, waxaase quluubta daawatada xaday Rashford oo laba gool oo daran doori ah ku shubay shabaqa LA Galaxy, mid kalena waxa ku daray Fellaini, ka hor intii aanay Martial iyo Mkhitaryan raacinin laba gool oo kale. Wakhti dambe ayay LA Galaxy heleen laba gool, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay 5-2 ay guushu ku raacday Manchester United.

Intii ay ciyaartu socotay waxa si gaar ah isha loogu hayay Lukaku oo Manchester United ay 75 Milyan oo Gini ku iibsatay toddobaadkii hore, waxaase uu awoodi kari waayey inuu wax gool ah ku darsado dersinka ay Rashford iyo laacibiinta kale iska kaashadeen.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

LA Galaxy 2-5 Manchester United – Daawo Dhamaan Goolashii Iyo Dhacdooyinkii Ciyaarta

Sanchez Oo Niyadda Ka jebiyey Arsenal: “Waxaan Rabaa Champions League’

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: