11:36 pm - Sunday July 23, 2017

Federer Oo Noqday Ninkii U Horeeyey Ee 8 Jeer Ku Guuleysta Horyaalka Wimbledon

Abdiwahab Ahmed

Ciyaaryahanka kubadda Tennista ee reer Switzerland – Roger Federer, ayaa noqday ninkii ugu horeeyey taariikhda ee siddeed jeer ku guuleysta horyaalnimada Tenista Wimbledon, isagoo sii kordhiyey rikoodhkiisa shaqsiga ah kana dhigay inuu 19 jeer qaaday horyaalka Grand Slam kadib markii uu ka adkaaday laacibka reer Croatia ee Marin Cilic kulankii Finalka.

Xiddigan kaalinta saddexaad kaga jira ciyaaryahanada ugu awooda badan ciyaarta Tennista, waxay guushu ku raacday wareegyadii oo dhan, 6-3 6-1 6-4, halka laacibka kaalinta todobaad fadhiya ee Cilic uu la baaxaa degayay dhaawac lugta bidix ka gaadhay, isla markaana uu ilmada hoorsaday wareegii labaadba.

35 jirkan reer Swiss ee Federer, waxay ku qaadatay, hal saac iyo 41 daqiiqo, si uu u xaqiijiyo guushii koobaad ee tartanka wiilasha Wimbledon ah tan iyo sanadii 2012 kii.

“Mararka qaar halis ayaad is galinaysaa,” ayuu Federer yidhi guusha kadib, isagoo ka hadlaya mushkilada dhaawac ee la soo deristay ciyaaryahan Cilic, ciyaartana ku dhamaystiray.

“Laakiin, Marin wuxuu u dagaalamay si fiican, waana geedi, Sidaas darteed, aan ugu hambalyeeyo tartarnkiisii cajiibka ahaa.”

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Senegal: Dad Badan Oo Ku Dhintay Garoon Kubbadeed

Roger Federer Oo Markii 8aad ku guuleystay Wimbledon

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: