Liverpool oo dhaawacyo Hadheeyeen ka hor Besiktas

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Raheem Sterling ayaa bogsashadiisu qaadanaysaa wakhti dambe oo aan aan suurto gal ka dhigayn inuu ka qayb gallo ciyaarta berri horyaalka Europa League ay u baqoolayaan Besiktas.Sterling Injury
Waxaa isna sidoo kale kooxda dhar casta ka maqan laacibka baasha ka ciyaara ee Lazar Markovic oo afar ciyaarood la ganaaxay kadib markii uu casaan qaatay, halka xidiga khadka dhexe ee Lucas Leiva uu u ildaran yahay dhaawac muruqa ah oo haleelay.
Kabtanka kooxda ee Steven Gerrard ayaan isna wali ka soo kabanin dhaawac seeda muruqa bawdada ah oo isna ku dhacay.

Isku soo wada duubo kooxda Liverpool ayaa guud ahaanba dhaawacyo u dhutinaysa iyadoo ay Besiktasna ay sugeyso.