Liverpool Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Alexis Sanchez

Kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Liverpool ayaa ku biirtay tartanka ay kooxaha Manchester United iyo Manchester City ugu jiraan xiddiga Arsenal ee Sanchez, kaas oo la filayo inuu bishan January ka tago Gunners.

Liverpool oo haysata £142million oo ay ka heshay iibka Philippe Coutinho oo Barcelona tegay, ayaa waxay diyaar u tahay inay bixiso £35million oo Arsenal ku xidhay iibka Sanchez.

Kulan ay yeesheen mulkiileyaasha Maraykanka ah ee Liverpool ee lagu magacaabo Fenway Sports Group ayaa waxay iskula qaateen in kooxdoodu u baahan tahay laacibkan dedaalka badan, kaas oo warar kulanka laga soo xigtay ay tibaaxeen in ay soo bandhigeen in si degdeg ah ay uga hawl-geli doonaan 28 jirkan u dhashay waddanka Chile.

Liverpool oo toddobaad ka hor £75 milyan kula wareegtay difaacyahanka Virgil van Dijk oo ay ka soo qaadatay Southampton, ayaa waxa kale oo ay isku diyaarinaysaa inay soo dhoweyso laacibka khadka dhexe ee Naby Keita, kaas oo £60 milyan ay kaga qaadatayy RB Leipzing.

Tababare Klopp ayaa inkasta oo labadaas ciyaartoy uu gacanta ku dhigay, haddana waxa uu ku guubaabinayaa maamulka kooxdiisa inay huraan lacagta Sanchez oo uu aaminsan yahay inuu noqon doono xiddig ka faa’iido badnaan doona Coutinho.

Mancheste United oo hoggaaminaysa tartanka loogu jiro Sanchez ayaa waxay u diyaarisay in toddobaadkii ay mushahar u siiso £300,000, halka Man City ay £285,000 u ballan-qaadday, hase yeeshee, Liverpool oo aan ku fiicnayn mushaharka ciyaartooyada, ayaa waxay ka cago-jiidaysaa inay £300,000 bixiso, iyadoo ciyaartoygii ugu mushaharka badnaa ee soo maray uu ahaa Coutinho oo ay siin jirtay £200,000.

Kulanka maamulka Liverpool oo uu goob joog ka ahaa tababare Klopp ayaa waxay masuuliyiintu ogolaadeen dalabka tababaraha, waxaana haddii ay ku guuleysato uu noqon doonaa ciyaartoygii labaad ee muddo lix bilood gudaheed ah ay Liverpool ka qaadato Arsenal, waxaana ka horreeyey Chamberlain oo xagaagii u wareegay garoonka Anfield.