Liverpool Oo Dhirbaaxo Fool-xun Ku Soo Af-jartay Rikoodhkii Guul-darro La’aanta City

Liverpool 4-3 Manchester City


Kooxda Manchester City ayaa dhadhamisay guuldaradii ugu horeysay ee Premier League ka soo gaadha intii xili ciyaareedkani socday, kadib markii si fool xun ay Liverpool u dhex jiid-jiiday geggida Anfield.

Kooxda dharka cas lihi saddex gool ayay ku dhalisay sideed daqiiqo gudohood qaybtii dambe ee ciyaarta waxaanay natiijada kaga dhigeen 4-1, markaas kadib ayay City madaxa la soo kacday oo ay dhalisay laba gool oo daran doori ah lix daqiiqo gudeheed dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda tabobare Jurgen Klopp – oo ciyaarayay kulankoodii koobaad tan iyo markii ay Philippe Coutinho ka siiyeen £142m naadiga Barcelona – ayaa ahaa kuwo u qalmay guusha, ay ku so oaf-jareen rajadii City ee ahayd inay sanadka ku qaadaan horyaalka guuldaro la’aan kadib17 ciyaarood oo aan dhinacooda dhulka la dhigin.