Lomachenko v Rigondeaux: Dagaalka Lacagta Badan Ee Sabtida Iyo Heeganka Dhakhaatiirta Ee Dhaawacyada

Feedhyahanka reer Ukraine ee Vasyl Lomachenko ayaa Sabtida meel layskugu xidhi doonaa Guillermo Rigondeaux, halkaas oo feedhka miisaanka culus ay isku weydaarsan doonaan.

Dagaalkan feedhka ah oo ka dhici doona magaalada New York ee waddanka Maraykanka, si toos ahna ay u baahin doonto shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL.COM, ayaa waxa ayaa waxa Lomachenko iyo Rigondeaux layskugu geyn doonaa xerada feedhka ee Madison Square Garden.

Bob Arum oo suuq-geyn iyo gacan-yare u ahaan jiray Muhammad Ali, Roberto Duran, Floyd Mayweather iyo Manny Pacquiao oo ka hadlay tartankan feedhka ayaa waxa uu sheegay in feedhyahanka reer Ukraine ee Vasyl Lomachenko uu yahay feedhyahanka ugu wanaagsan ee dunida soo maray Muhammad Ali dabadii.

“Waligay maan arag feedhyahan farsamadiisa oo kale leh.” sidaas ayuu yidhi Bob Arum.

Arum waxa uu gacan-yare u noqday Muhammad Ali sannadihii 1960-aadkii, waxaana markii dambe uu u wareegay halyeygii Roberto Duran oo uu usoo qaban jiray ballamaha feedhka, cidda ay tahay inuu la ciyaaro, qadarka heshiisyada lacagta feedhka, xidhiidhada uu yeelanayo iyo arrimo kale. Markii ay Duran kala gurteen, waxa uu u wareegay Floyd Mayweather oo sannadkan ka fadhiistay ciyaaraha feedhka kaddib markii uu ku guuleystay lacago aad u badan. Sidoo kale, waxa uu Arum oo 85 jir ahi gacanta ku dhigay inuu hawlo badan u qabto Manny Pacquaiao oo reer Philippine ah, kaas oo dhowaan ay feedh lagu kala helay lacag ka badan 400 milyan oo dollar ku kulmeen Mayweather.

“Waxaan idiin sheegayaa in Lomachenko feedhkiisa oo kale aanan arag intii ka dambaysay Muhammad Ali.” ayuu raaciyey Arum.


 


Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com