Luka Modric Oo Aan Ciyaari Doonin Inta Ka Hadhay Xili-ciyaareedkan

Real Madrid ayaa war xun ka heshay dhakhaatiirta kaas oo u sheegay in aanay ku xisaabtamin adeegga ciyaareed ee Luka Modric inta ka hadhay xili-ciyaareedkan kadib markii uu dhaawac culus ka gaadhay jilibka lugta Midig.

Luka Modric ayaa la beddelay qaybtii dambe ee ciyaartii Sabtidii dhex martay Real Madrid iyo Malaga taas oo ku dhamaatay 3-1.

Baadhitaano caafimaad oo ay dhakhatiirtu ku sameeyeen ayaa waxa ay muujiyeen in uu dhibaato ka qabo jilibka isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono 5 illaa 6 toddobaad.

Modric ayaa waxa uu seegi doonaa dhamaan ciyaaraha ka hadhay tartanka xili-ciyaareedkan, laakiin waxa suurtogal ah in uu ciyaaro finalka Champions League haddii ay kooxdiisu u gudubto.

Kulamada muhiimka ah ee Modric uu ka maqnaan doono ee ay kooxdiisa Real Madrid ciyaari doonto ee horyaalka La Liga, ayaa waxa ay kala yihiin: Celta (away), Almería (home), Sevilla (away), Valencia (home), Espanyol (away) iyo Getafe (home).