Manchester United Oo Soo Af-jartay Tartankii kaalinta Afraad Ee Tottenham

Tababaraha kooxda Manchester United , Luis Van Gaal ayaa qaab uu la dhacay kaga adkaatay kooxda Tottenham oo uu ku tumay goolal saddex ah oo ay u kala saxeexeen xidigihiisa, Marouane Fellaini, Michael Carrick iyo Wayne Rooney kulan labada kooxood ku dhex maray garoonka Old trafford ee magaalada Manchester.United win over Tottenham b
Marouane Fellaini ayaa kubad uu uga soo dhex dusiyey difaaca ciyaaryahan Michael Carrick gool dhalinta ugu furay United daqiiqadii 9 aad ee ciyaarta.United win over Tottenham a
Carrick ayaa raaciyey gool uu isaga uuni ka soo shaqeeyey 10 daqiiqo kadib goolka uu hal abuuray, waxaanu ciyaarta ka dhigay 2-0.
Weeraryahan Wayne Rooney ayaa dabaal deg lala dhacay sameeyey kadib markii uu khalad difaaca Tottenham sameeyey ka faaiidaystay goolkii saddexaadna ugu horseeday Man isla qaybtii hore ee ciyaarta.

Kabtanka naadiga lagu naanayso shayaadiinta dharka cas ama Red Devils, ayaa intuu isu taagay si qumaati ah, sarajooga uga dhacay isagoo aan meel kaliya jebinin ama qaloocin xubnaha jidhkiisa ee laab-laabma, waxaanu dhulka uga dhacay sida qotinka ama tiir ciiray.United win over Tottenham e