Manchester United Oo Ugu Danbeyn Ay Ka Go’antahay Saxiixa Alex Sandro

Alex Sandro ayaa ah difaaca diirada u saran Manchester United, kaa oo ay u arkaan badalka rasmiga ah ee Luka Shaw.

Manchester Evening News ayaa daabacday in macalinka reer Portugal uu la dhacsanyahay qaab ciyaareedkan xidigan danbeedka bidix.

Sidoo kale Ryan Bertrand oo isna aad loo hadal hayo in uu Manchester United ku biiri doono ayaa diidan kooxdiisa oo ku dhaw in ay u laabato heerka labaad ee horyaalka England.

Jose Mourinho ayaan heysan xidig ka ciyaara danbeedka bidix, marka laga soot ago Luke Shaw oo booskaasi uu Mourinho u arko mid aan u qalmin ka ciyaarista booskaasi.

Difaaca xulka Brazil Alex Sandro ayaa xalay kooxdiisa ay macsalaameysay gabi ahaan tartanka horyaalada yurub kadib qasaaro ay kala kulmeen naadiga difaacaneysa tartankaasi.

Manchester United ayaan helin hal abuure heer caalami ah oo ka ciyaara danbeedka bidix tan iyo markii uu booskaasi baneeyay difaaca kooxda West Ham Patrice Evra.


 

 

 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.