Marcelo iyo Robinho Oo Lagu Daray Xulka Brazil Ee La Ciyaari Doona France iyo Chile

Amin Amir - Brazil Vs GermanyMarcelo iyo Robinho ayaa ku soo laabtay xulka dalka Brazil ee ciyaaraha saaxiibtinimo bishan la ciyaari doona dalalka France iyo Chile.

Tababaraha Brazil, Carlos Dunga ayaa magacaabay kooxdiisii u horreysay sannadka 2015, waxaanu Khamiistii maanta ku shaaciyey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalda Rio de Janeiro, halkaas oo uu ku caddeeyey in difaacyahanka Real Madrid iyo weeraryahanka Santos ee Marcelo iyo Robinho ay ku jiraan xulkiisa.

Waxa kan maqan Ricardo Goulart oo ku biiray koox China iyo Everton Ribeiro oo Carabta ka ciyaara. Sidoo kale waxa xulkan boos ka waayey difaacyahanka Corinthians ee Gil oo sidoo kale ka maqnaa ciyaarihii saaxiibtnimo ee dalkiisu la yeeshay Turkey iyo Australia.

Brazil ayaa 26-ka bishan ciyaar saaxiibtinimo kula ciyaari doonta magaalada Paris, waxaana saddex maalmood ka bacdi ay Chile kula ciyaari doonaan garoonka Arsenal ee Fly Emirates ee magaalada London.

Xulka Brazil oo dhamaystiranina waa sidan:

Gool-wade: Jefferson (Botafogo), Marcelo Grohe (Gremio), Diego Alves (Valencia)

Difaac: David Luiz (Paris Saint-Germain), Marquinhos (Paris Saint-Germain), Thiago Silva (Paris Saint-Germain), Miranda (Atletico Madrid), Fabinho (Monaco), Marcelo (Real Madrid), Filipe Luis (Chelsea), Danilo (Porto).

Dhexda: Luiz Gustavo (Wolfsburg), Fernandinho (Manchester City), Elias (Corinthians), Souza (Sao Paulo), Oscar (Chelsea), Willian (Chelsea), Coutinho (Liverpool), Douglas Costa (Shakhtar Donetsk).

Weerarka: Roberto Firmino (Hoffenheim), Neymar (Barcelona), Diego Tardelli (Shandong Luneng), Robinho (Santos).