Markovic Oo 4 Ciyaarood La Ganaaxay

Sida uu ku waramayo wargeyska Press Association Sport, xidiga kooxda Liverpool ee Lazar Markovic ayaa laga mamnuucay ciyaaraha Afar kulan kadib markii uu casaan qaatay ciyaartii ugu dambeysay Groups ka koobka Yurub ee ay kooxdiisu la ciyaaraysay naadiga Basel.Markovic oo 4 ciyaarood laga mamnuucay garoomada 1
Ciyaaryahankan 20 jirka ah ee reer Serbia ayaa gacantiisu si qumaati ah ugu fiiqay ciyaaryahan Behrang Safari intii ay socotay ciyaartu , talaabadaas oo sababtay in kaadhka casaanka ah loo taago garoonkana laga saaro.Markovic oo 4 ciyaarood laga mamnuucay garoomada 2
Markovic ayaa ciyaar dheeraad ah oo ganaax ah la huwiyey oo lagu kordhiyey saddexdii ciyaarood ee sharcigu dhigayay inuu maqnaado ciyaaryahanka fadqalalo ama buuq ka abuura geggida dhexdeeda, maadaama uu casaan qaatay ciyaartii Europa League ee Liverpool la ciyaaraysay Benfica bishii hore ee May badhtameheedii.Markovic oo 4 ciyaarood laga mamnuucay garoomada