Maxaa Dhacay ! France &Honduras Oo Ciyaarta Gallay Iyagoo Aan Qaadin Heestii Astaanta Qaranka

Xidigaha xulalka France Iyo Honduras ayaa sidii caadiga ahayd , saf u soo istaagay , Iyagoo salaan gacan haadis ah u laliyey Taageerayaashoodii Kumanaanka ahaa ee Qaylada La Barbar joogay garoonkana soo buux dhaafiyey.

article-2658495-1ECBF0AE00000578-802_634x417Waxaase lama aragtay noqotay markii ay ciyaaryahanadii damacsanaayeen in Musicii heesta qaranka Loogu dhufto , in la dareemayay cilad jirta , oo Jeed-jeedsi uuni ka soo hadhay ciyaaryahanadii , codkii Musicana ee ka bixi lahaa cod baahiyeyaasha garoonkuna ay jabaq soo gudbin waayeen.

 

Fifa ayaan ilaa hadda ka hadlin sida wax u dhaceen , laaakiin waxaa la xaqiijiyey oo warbaahintu ogaatay , in ciladi ku timid Cod baahiyeyaasha ku rakibnaa garoonka Estadio Beira-Rio ee magaalada Porto Alegre ee ciyaartu ka dhacaysay.

Labada xulna iyagoo aan midkoodna qaadin heestii Astaanta qaranka ayay ciyaarta galleen oo sidaas lagu bilaabay.