Miranda Oo Ka Hadlay Xidhiidh Dhex Maray Manchester United

Miranda1

Difaacyahanka reer Brazil ee kooxda Atletico Madrid ee Miranda ayaa ka hadlay warar ku xidhiidhiyey kooxda Ingiriiska ah ee Manchester United, kuwaas oo sheegay in uu horyaalka Ingiriiska doonayo in uu ka ciyaaro.

Miranda oo ay da’siisu tahay 30 jir ayaa la sheegay in Manchester United ay dooneyso in ay ku xoojiso safkeeda difaaca difiicnimo ka muuqato, hase yeeshee Miranda oo u warramay Estadao ayaa waxa uu tibaaxay in ay sharaf u tahay in lagu xidhiidhiyo Manchester hase yeeshee uu hadda doonnayo in uu kooxdiisa Atletico Madrid u ciyaaro.

“Warkani wuu ifarxad gelinayaa, waxaanu caddaynayaa in aan shaqo fiican qabto.” Sidaas ayuu yidhi Miranda.

“Sharaf ayey ii tahay, laakiin waxaan doonayaa in aan sii joogo Atletico waayo sannad iyo badh ayaa iiga hadhay heshiiskayga.” Ayuu raaciyey.

Miranda ayaa u saftay xulka qarankiisa ciyaarihii saaxiibtinimo ee u dambeeyey, inkasta oo uu ku guul-darraystay in uu ka mid noqdo ciyaartooyadii dalkaas u metelay koobkii adduunka ee sannadkii 2014.