Miranda Oo Ka Tegaya Atlético Madrid

Atletico oo markale ku tumatay Real

Atlético ayaa isku diyaarinaysa in ay dhegaysato dalabyada Joao Miranda, haddii ay labada dhinac is qanciyaanna waxa uu difaacyahanka reer Brazil xagaaga ka tegi doonaa Atlético.

Kooxdu way ogtahay in uu difaacyahankan adagi bisha September ee sannadkan uu noqon doono 31 jir, mana doonayso in ay heshiis wakhti badan ah la gasho, taasi waxa ay ka hor imanaysaa dalabkiisa oo ah in uu sannado kale saxeexo ama uu ka tago kooxda.

Madadxweynaha Atlético ayaa u muuqda in uu diyaarinayo ciyaartoygii buuxin lahaa booskaas marka la gaadho bisha June. Sidoo kale, Miranda ayaa diyaar u ahaa in uu ka tago kooxda dhamaadkii xili-ciyaareedka 2013/2014 markaas oo ay kooxo badan oo Ingiriis ahi doonayeen in ay heshiis la saxeexdaan, laakiin waxa taas diiday tababaraha iyo maamulka kooxda oo ku dhegay, sababtoo ciyaartooyo dhawr ah sida Courtois, Filipe iyo Costa ayaa kooxda ka tegay, manay ogolaan karaynin in uu Miranda isna ka dhaqaaqo.

Heshiiska uu Miranda kula jiro Atlético waxa uu dhamaanayaa 30-ka June 2016, taas I darted waxa loo ogolaan doonaa dhamaadka xili ciyaareedkan in uu la xaajoon karo kooxda uu doono. Waxa ay u badan tahay in uu ka tegi doono Spain oo uu ku biiri doono kooxda Sao Paulo ee dalka Brazil.