Modric iyo Coentrão Oo Ku Soo Laabtay Real Madrid

ModrciLuka Modric oo muddo dheer u fiigay dhaawac muqura ka gaadhay bishii November ee sannadkii hore ayaa Jimcihii ku soo laabtay kooxdiisa isaga oo tababarka la qaatay ciyaartooyada kale.

Modric ayaa isaga oo is ilaalinaya waxa uu sameeyey tababarka, iyadoo la arkayay isagoo laadad xooggan iyo kuwo gaagaabanba laadaya.

Waxa isna tababarbarkii shalay ka qayb galay Fabio Coentrao oo dhaawac fudud ku maqnaa labadii ciyaarood ee u dambeeyey, waxaanu diyaar u yahay in uu safto kulanka Elche ee Axadda.

Waxa wali dhaawac ku maqan Sergio Ramos, Sami Khedira iyo James Rodriguez oo la halgamaya dhaawacyo haleelay.

Tababare Ancelotti ayaa tababarka Jimcihii waxa uu u yeedhay Juan Jose Narvaez, Enzo Zidane iyo kabtanka kooxda heerka labaad Sergio Aguza, kuwaas oo tababarka la qaatay kooxda waaweyn.