Murray Oo U Gudbay Wareega 2-aad Tartanka Tennista Ee Ka Socda Rotterdam

Andy Murray oo ka dul talaabsaday Nicolas Mahut 1Andy Murray ayaa si nabad gelyo ah ugu gudbey wareegi labaad ee tartanka kubada tennista aduunka ee ka socda magaalada Rotterdam.

Ciyaartiisii ugu horeysay tan iyo Markii lagaga adkaaday kulankii Finalka ee tartankii Australian Open, xidiga safka koobaad kubada Tennista caalamku wuxuu kaga adkaaday laacibka reer France ee Nicolas Mahut 6-3 6-2 ciyaar socotay saacad iyo 32 daqiiqo.

Murray wuxuu la ciyaari doonaa ciyaaryahanka reer Canada ee Vasek Pospisil wareega labaad.