Nacho Oo Dib Ugu Soo Laabtay Garoomada

Difaaca Real Madrid ee Nacho Fernandez ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Real Madrid kaddib dhaawac muruqa ah oo uu ku seegay ciyaaro muhiim ah.

Tababarkii Real Madrid ee garoonka carbiska ee Valdebebas ee gellinkii hore ee Isniinta ayaa uu Nacho kasoo xaadiray tababarkii kooxdiisa, waxaana farxad kusoo dhoweeyey Zidane iyo macallimiinta carbiska.

Waxa kale oo Real Madrid ay dib u heshay laacibka khadka dhexe ee Luka Modric oo tababarka qaatay, waxaana uu diyaar u noqonayaa kulanka Athletic Bilbao.

Labadan ciyaartoy ayaa waxay uu caafimaadkoodu kusoo beegmay wakhti ay Real Madrid isku diyaarinayso ciyaarta Champions League ee Bayern Munich ay ugu safri doonaan.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.