Newcastle United Oo Xasuuqday Kooxdii U Soo Martisay Ee Arsenal+Sawiro

Kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa lumisa sadex dhibcood kadib markii galabta ay qasaaro kala kulantay naadiga Newcastle United kulan ka tirsanaa horyaalka England oo ka dhacay St Jame’s Park.

Arsene Wenger kooxdiisa ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta kadib markii ay gool ka heleen France laacibkooda Lacazette oo caawinaad ka helayAubameynag.

Newcastle United oo looga hor maray dhirbaaxada ayaa la timid goolka bar baraha waxaana ay uga mahad celinayaan da’yarka lagu magacaabo Ayoze Perez.

Qeybtii koowaad ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar baro 1-1 ah oo labada ay ku simanyihiin natiijada ciyaarta.

Markii laisku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Arsenal ayaa markale laga dhaliyay goolka labaad waxaana shabaqooda gaaray ciyaaryahan Ritchie oo dhaliyay gool uu caawiye ka noqday dhaliyaha goolkii koowaad ee Newcastle United.

Arsenal ayey aad ugu xumaatay xaalada maadaama hogaanka ciyaarta lagala wareegay isla markaana natiijo ahaan ciyaarta laga sareeyay Wenger ayaa ciyaarta ku soo biiriyay xidigo da’yar ah,laakiin xidigahasi ayaan saameyn badan ku yeelan gudaha garooonka.

Ugu danbeyn rajada Arsenal ee afarta sare ayaa soo idlaadtay,kooxdaasi ayaa ka maqnaan doota Champions League sanadka soo aadan hadii aysan Europa League ku guuleysanin



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.