Paris Saint-Germain Oo Ku Guuleysatay French League Cup

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa hantiday biladii ugu horeysay ee xili ciyaareedkan , iyadoo ku guuleysatay habeenkii xallay ahaa koobka koobabka Faransiiska ee French League Cup.

Zlatan Ibrahimovic iyo xidiga bedelka ku soo galay ee Edinson Cavani ayaa labaduba min laba gool dhaliyey, kuwaas oo u saamaxay Paris Saint-Germain inay 4-0 ku garaacaan kooxda 10 ka ciyaaryahan ku ciyaaraysay kulanka intii badnaa ee Bastia una debaal degaan guusha koobka.psg oo qaaday League cup 4
Ibrahimovic, ayaa Finalkii sanadkii hore ku seegay dhaawac ayaa gool dhalinta ku furay kubad rigoodhe ahayd, oo uu casaan ku qaatay Sebastien Squillaci bilowgii hore ee ciyaartaba, waxaanu raaciyey Ibra gool kale , labada soo hadhay Cavani ayaa ku baashaalay.psg oo qaaday League cup 1 psg oo qaaday League cup 2 psg oo qaaday League cup 3 psg oo qaaday League cup 4 psg oo qaaday League cup 5 psg oo qaaday League cup 6 psg oo qaaday League cup 7 psg oo qaaday League cup 8