Pep Guardiola Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Inuu Noqonayo Bedelka Moyes ee Man United

Sida ay qortay jariidada Ingiriiska ka soo baxda ee The Telegraph , tababaraha kooxda Bayern Munich ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka la xidhiidhinaya inuu Manchester United u bedelayo tababaraha ay iska eriday ee David Moyes.

Tababare Moyes ayaa shaqadii macalinimada Manchester United laga eryay maanta , isagoo joogay in ka yar sanad halkii heshiiska uu la saxeexday kooxdu uu 6 sanno dhigayay, kadib markii naadigu ka bixi waayay xaalad adag oo aan ka soo rayn lahayn , isla markaana ay soo dhaafi weyday kaalinta todobaad ee kala saraynta Horyaalka Priemier League.

Pep ayaa diiday inay jiraan wadahadalo hore u dhex maray isaga iyo maamulka United , isla markaana ku adkaystay inaanay jirin meel uu uga ambabaxayo naadiga uu hadda gacanta ku hayo ee Munich.

“Imika waxaan la joogaa Bayern , waxaanan rabaa inaan laba sanno oo kalena sii joogo . Waxaanu ku guulaysanay Bundesliga waxaanan rabnaa inaan kooxda sii horumarino. Aqoontaydu waa sida fiican ee aan u aqaano kubada cagta ee Spain , laakiin waxaan doonayaa inaan dhaqan cusub ku bedesho, afkaarta Germany inaan wax badan ka urursado, waxaanan u baahanahay wakhti aan taas ku hello , kooxdana waa kooxdayda runta ah ,” ayuu yidhi khabiirka reer Catalan.