Pepe oo ku soo laabtay Garoomada

Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa war farxad leh ka helay kooxda dhakhaatiirta ee naadigiisa kadib markii uu ay shaaciyeen in difaacyahanka Pepe uu caafimaad qabo isla markaana uu ciyaari karo kulanka Champions League ee ay Salaasada la ciyaari doonaan Schalke 04.

Pepe oo ku dhaacday is-araggii labaad ee ciyaartii Copa del Rey ee Atletico Madrid ayaa waxa uu si buuxda tababarka ula qaatay ciyaartooyada kooxdiisa maalmihii u dambeeyey.

Soo laabashada Pepe ayaa war lagu diirsado u ah kooxdaas oo sidoo kale ay dhaawac kaga maqan yihiin ciyaartooyo kale oo muhiim ah khaasatan khadka difaaca oo ay ka dhaawacan yihiin Ramos iyo Coentroa.

Pepe ayaa ka garab ciyaari doona kulanka Schalke laacibka da’da yaree Varane, Marcelo oo la filayo in uu ka bogsado dhaawac jilibka ka gaadhay kulankii Deportivo iyo Carvajal ama Arbeloa.

Real Madrid waxa ay u safri doontaa Germany oo ay ka dhici doonto Salaasada is-aragga hore ee wareegga 16ka ee Champions League oo ay kula soo ciyaari doonto Schalke.