Porto Si Niyad Ah Ayay Ula Ciyaartay Munich – Casemiro

Kadib markii ay guul naxdin ku riday Bayern Munich ay garoonkooda ugu damaashaadeen xiddigaha kooxda FC Porto, waxa guushaas ka hadlay laacibka khadka dhexe ee Casemiro, kaas oo sheegay in ay soo bandhigeen ciyaar niyaddooda ka soo go’day oo ay ku jirto kalsooni badan.

Bilowgii ciyaartaba khalad ay sameeyeen difaacyahannada Bayern Munich ayey ka faa’iidaysteen weerarka bahalka ah ee Porto, kuwaas oo shabaqa ku hubsaday goolka koowaad, halkaas oo laba gool oo kalena ay u raaciyeen iyadoo Munich heshay hal gool oo kaliya.

Casemiro oo amaah ugu ciyaara FC Porto, kana yimid Real Madrid ayaa waxa uu qayb libaax leh ka ciyaaray guulaha ay kooxdaasi gaadhay sannadkan, khaasatan kulankii xalay oo uu ahaa mishiin dhexda kala xidhay.

Saxafiyiin ayaa weydiiyey wixii u sahlay in Bayern Munich oo awooddeeda ciyaareed la yaqaano ay si sahlan u dhaafaan, waxaanu ku jawaabay: “Niyad sarraysa ayaanu haynay, sirtyadu waa taas. Dhamaan kooxda waa in loo hambalyeeyo sida niyadda ah ee ay u ciyaaraan, siday guul raadintu uga go’nay iyo doonistoodaba.” Sidaas ayuu yidhi Casemiro oo saxaafadda la hadlay.

Labadan kooxood ee Bayern Munich iyo FC Porto ayaa is aragga labaad waxay ciyaari doonaan Salaasada soo socota, waxaanay ka dhici doontaa ciyaartaasi garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich ee wadanka Germany, laakiin Casemiro ayaa ku adkaysanaya in ay taxadar muujin doonaan, isla markaana ku dedaali doonaan in qaab ciyaareedkii ay xalay soo bandhigeen ay mar kale kala hortegi doonaan Munich.