PSG Oo Doonaysa Inay Zidane ku Bedesho Tababare Blanc

Maalqabeenka iska leh kooxda Faransiiska ah ee Paris Saint-Germain, Nasser Al Khelaifi ayaa la sheegay inay u qorshaysan tahay inuu shaqada ka eryo tababare Laurent Blanc xagaagan, waxaanu sida la wariyey ku raad joogaa oo damacsan yahay in bedelkiisu ka yimaado wadanka Spain.Zidane-Wenger-Blanck 3

Zinedine Zidane ayaa la xaqiijiyey inuu yahay shaqsiga kaalinta koowaad kaga jira diiradana u saaran Mulkiile Khelaifi inuu ku bedelayo Blanc, waxa sidoo kale la leeyahay waxa kale oo uu kala dooranayaa tababarayaasha Vicente del Bosque iyo Diego Simone.