RASMI: Arturo Vidal Oo Dhaawac Looga Saaray Tababarka Bayern Munich

Khadka dhexe ee xulka chile Arturo Vidal ayaa galinkii hore ee maanta dhaawac looga saaray xarunta tababarka ee Bayern Munich,kadib markii uu dhabarka  dhaawac kasoo gaaray.

Wargeyska Bild ee dalka Jarmalka ayaa daabacay in Vidal dhaawac kasoo gaaray dhabarka ugu danbeyntiina laga saaray tababarka kooxda isagoo xanuunsanaya.

Tababarka kooxda oo soconaya ayaa Vidal uu dhaawaca soo gaaray waxaana ku adkaatay in uu ka baxo garoonka tababarka, waxaana garab galay Frank Ribery iyo Toni Tapalović oo Bayern Munich u qaabilsan tababarka goolhayayaasha.

Xidigii hore ee Juvantus ayaa heysta wax ka yar toban maalmood oo uu kaga soo kabsado dhaawaca soo gaaray,maadama kooxdiisa 22-ka bishan ay kulan xasaasi ah la balansantahay kooxda difaacaneysa Champions League ee Real Madrid.

Ugu danbeyn saraakiisha caafimaadka ee Bayern Munich ayaan faah faahin ka bixin xalada dhaawac ee Vidal iyo mudada uu maqnaan karo xidigaasi.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.