Real Betis Oo Degtay noqotayna kooxdii u Horeysay ee Ku Biirta Kooxaha Heerka Labaad ee Spain

Betis ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee xili ciyaareedka 2013-14 ka dhacda figta horyaalka koowaad una dhaadhacda qaybta Seria B ee horyaalka La Liga kadib markii xallay ay kooxda ay ka dhursugaysay ee Getafe 1-0 kaga talaabsatay Malaga.Real Betis

Naadiga reer Andalus ayaa mucjiso qabsatay sanadkan, waxaanay fadhiisatay kaalinta ugu hooseysa ee horyaalka, 22 dhibcood oo qudha markay ka urursatay 35 kii kulan ee ay ciyaartay kooxda ugu soo dhawina ka sarayso 8 dhibcood.

Real Betis ayaa sanadkan iyo kii ka horeeyey oo ay ku dhamaysatay kaalinta todobaad, kaasi oo u suurtowday inay boos ka hesho horyaalka Europa League.