Real Madrid Oo Barbar Dhac Ka Badan Kala Tagi Kari Weyday Numancia

Lucas Vazquez laba gool oo uu u dhaliyey ayaa ka caawiyey Real Madrid inay u baxdo quarter finals ka koobka Copa del Rey kadib markii ay barbar dhac 2-2 ah ku kala baxeen kooxda Numancia wareega 16 dhamaadka oo marti loogu ahaa geggida Estadio Santiago Bernabeu ee caasimada Madrid.

Celceliska natiijada 5-2 da ah oo Real ku guulaysatay kadib 3-0 kii ay todobaadkii hore is araga koobaad kaga soo badisay garoonka Soria ayaa u saamaxay inay guusha kula huleesho.

Natiijada ciyaarta ayaa kor u sii qaadaysa cadaadiskii tabobaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane saarnaa todobaadyadii u dambeeyey, kaas oo natiijo xun oo liidata kooxda kulamada ka helaysay.