Real Madrid Oo Ku Guuleystay Koobka UEFA Super Cup

Real Madrid ayaa sii xajisatay booskeeda sannadkan ee ah inay tahay kooxda Yurub, kadib markii ay ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup oo ay 3-2 kaga qaadday Sevilla.

Real Madrid oo laba bilood ka hor ku guuleysatay koobka Champions League, ayaa waxay ku darsatay UEFA Super Cup, kaas oo ay kaga guuleysatay Sevilla oo ay isaga hor yimaaddeen ciyaar aad u adkayd oo lagu qabtay garoonka Lerkendal Stadion waddanka Norway.

Real Madrid oo ay ka maqnaayeen inta badan ciyaartoygeeda ruug caddaaga ah, ayaa garoonka soo gashay iyadoo ay ka dhex muuqdaan ciyaartooyo u badan da’ yar oo qaarkood ay ku cusub yihiin kooxda, waxaase ay ku bilaabeen ciyaarta dardar iyo inay ka ilaaliyaan kooxda ka soo horjeedda ee Sevilla, taas oo u suurtogelisay in daqiiqaddii 17aad uu laacibka khadka dhexe ee Marco Asensio oo ka tirsan kooxda heerka labaad ee Real Madrid uu gool aad u qurux badan oo uu meel fog ka toogtay ku hubsaday shabaqa Sevilla, waxaase goolka barbar dhaca ay Sevilla heshay daqiiqaddii 41aad kaas oo uu u dhaliyey xiddiga reer Talyaani ee Franco Vazquez.

Marco Asensio oo meel fog ka toogtay goolka koowaad
Marco Asensio oo meel fog ka toogtay goolka koowaad

Markii la isugu soo noqday qaybtii dambe, waxay Real Madrid samaysay isbeddel ay garoonka soo galeen Benzema, Modric iyo James, laakiin Sevilla ayaa gool labaad heshay markii uu Sergio Ramos khalad ku galay Vitolo, waxaana rikoodhahaas dhaliyey Yevhen Konoplyanka.

Rikoodhihii Sevilla
Rikoodhihii Sevilla

Ciyaarta ayaa ahayd 2-1 illaa laga gaadhayey daqiiqaddii u dambaysay markaa soo uu Sergio Ramos kubbad madax ah ku barbareeyey ciyaarta, waxaana lagu daray wakhti dheeraad ah, taas oo mar kale ay Real Madrid daqiiqaddii u dambaysay ee dhamaadka uu Dani Carvajal kubbad uu la dhaafay dhawr difaac ah ku hubsaday shabaqa Sevilla.

Ramos oo kooxdiisa u dhalinaya goolka labaad
Ramos oo kooxdiisa u dhalinaya goolka labaad

Real Madrid ayaa sidaas ugu damaashaadday hanashada koobka, oo noqonaya kii labaad ee muddo saddex bilood gudahood ah uu tababare Zidane kula guuleysto Real Madrid.


Carvajal