Real Madrid V Atletico: Benzema, Modric, Bale, Marcello Iyo Ciyaartooyada Kale Ee Ka Maqan Real

Karim Benzema ayaa si rasmi ah ugu biiray ciyaartooyada dhaawaca ah ee ka maqnaan doona ciyaarta Champions League ee ay kooxdaasi garoonkeeda ku martigelin doonto naadiga ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Atletico Madrid.

Baadhitaanno caafimaad oo Salaasadii lagu sameeyey weeraryahanka Karim Benzema ayaa muujiyey in dhaawaca jilibka ah ee uu ka cabanayo aanay suurtogal ahayn in uu sahlo in uu ciyaaro.

Benzema ayaa xagga dambe lagaga daray ciyaartooyada Luka Modric iyo Gareth Bale oo labaduba ku dhaawacmay kulankii Sabtidii ay kooxdooda Madrid ku martigelisay Malaga, waxaana ay ugu yaraan maqnaan doonaan sida ay dhakhaatiirtu sheegeen muddo ku dhow bil.

Difaaca baasha bidix ee Marcello ayaa isaguna ka maqnaan doona kulankan kadib markii uu kulankii hore qaatay kaadhka digniinta ah ee Huruudda.