Saadaal: Yaa Badin Doona Juventus v Monaco

Codbixin ay qaaday shabakadda www.cadalool.com ayaa waxa ay muujisay in kulanka Champions League ee ay caawa isaga hor iman doonaan Juventus iyo Monaco ay guushu raaci doonto AS Monaco.

Ciyaartan oo ka dhigi doonta garoonka Turin ee ay Juventus leedahay, ayaa marka la raaco saadaasha codbixiyeyaasha waxay guushu u dhow dahay naadiga Faransiiska ee ah ee Monaco taas oo 60% muujisay in ay Monaco guushu raaci doonto, halka 40% ay Juventus oo gurigeeda ku ciyaaraysa ay guuleysan doonto.

Inkasta oo ay saadaashu tahay male awaal, isla markaana ay kubadda cagtu tahay wax ka fog in la sii saadaaliyo, ayaa waxa aynu eegi doonaa waxa ay ku dhamaato ciyaartu.