11:32 pm - Sunday July 23, 2017

Sanchez Oo Niyadda Ka jebiyey Arsenal: “Waxaan Rabaa Champions League’

Abdiwahab Ahmed

Arsenal ayaa heshay farriintii ugu kululayd ee kaga timaadda xiddigooda Alexis Sanchez oo fasax kaga maqan kooxda, hase yeeshee la filayo inuu ka tago Gunners.

Tababare Wenger ayaa toddobaadkan u ballan-qaaday taageereyaasha in aanu Sanchez ka tegi doonin, laakiin waraysi uu siiyey idaacad ku taalla waddanka Chile oo uu fasax ku joogo, ayuu ku sheegay in uu u gudbiyey Arsenal go’aankiisa oo aan ka laabasho lahayn.

“Waxaan rabaa inaan ciyaaro Champions League. Go’aankuna mid aniga ii yaalla maaha, waxaan ka sugayaa Arsenal” Sidaas ayuu yidhi Sanchez, waxaanu intaas raaciyey: “Go’aan ayaan gaadhay, jawaabtana waxaan ka sugayaa Arsenal. Fikirkaygu waa in aan ciyaaro oo aan ku guuleysto Champions League, taas oo aan ku riyoon jiray illaa carruurnimadaydii”

rrintan ayaa u muuqata in Sanchez uu ka dalbaday Gunners in la fasaxo, taas daraadeedna waxay ku khasbanaan doonaan inay suuqa dhigaan gaar ahaana kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City uu midkood ku biiro.

Gunners waxay sannadkii tegay ka gashay horyaalka Premier League kaalinta shanaad, kamana mid aha kooxaha sannadkan ciyaari doona Champions League, cudur daarka ugu weyn ee Sanchez-na waa in aanu dooneynin inuu ka maqnaado Champions League.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Manchester United Oo Guul Ku Bilowday Xili Ciyaareedka Cusub, Nus Dersin Goolal Ahna Ku Qarqisay LA Galaxy

Mourinho: “Ma Heli Karno Ronaldo”

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: