Sawirka Gabadh Aad Ugu Muuqaal EegCiyaaryahan Herrera Oo Baraha Bulshada Qar-qiyey

Gabadh teegeere u ah Manchester oo aad ugu muuqaal eeg xidiga khadka dhexe ee naadiga Man Utd – Ander Herrera ayaa ku baah-day oo qar-qiyey baraha bulshadu ku kulanto ee dunida.AnderHerrera 1
Taageerayaasha kooxda shayaadiinta dharka cas leh ayaa aad ula dhacay qaab ciyaareedka Ander Herrera soo bandhigay ciyaarihii ugu dambeeyey, isagoo laba gool ka dhaliyey kulankii Aston Villa. Taas ayaana sababtay in Taageerada loo hayaa aad u laba jibaaranto.

Innan taageerta United ayaa barteeda Twiter soo dhigtay fariin iyo muuqaal isla socda oo ay ku sifaynayso in gabadh ay walaalo yihiin oo lafteeduna kooxdaas taageertaa ay aad iyo aad ugu eg tahay laacibkan khadka dhexe ee reer Spain, sawirkaas ayaana noqday mid todobaadkan aad ugu fida baraha bulshada.

Gabadhaasi waxay sawirkan sidoo kale u dirtay Herrera si uu u ogaado gabadhan mataantiisa la moodo.

Jimcihii, @HELLinaaaa ayaa fariinteeda ku tidhi: “@AnderHerrera ilaa xad ninyohow miyaadan aad ugu ekayn gabadhan aanu walaalaha nahay.”