11:30 pm - Sunday July 23, 2017

Senegal: Dad Badan Oo Ku Dhintay Garoon Kubbadeed

Abdiwahab Ahmed

Wararka ka imanaya dalka Senegal ayaa sheegaya in sideed qof ku dhinteen sagaal iyo afartan kalena ku dhaawacmeen dagaal dhex maray taageerayaasha laba kooxood oo kubadda cagta ah iyo gidaar markii dambe kusoo dumay dad orod kaga baxayay garoonka.

Labada kooxood Stade de Mbour iyo Union Sportive Ouakam oo foodda isku daray ciyaarta finalka League Cup ee Senegal ayaa markii ayd hamaatay waxa gacmaha iskula tegay taageereyaasha labada naadi ee garoonka ku sugnaa, kuwaas oo in muddo ah garoonka marba dhinac isku dhex baacsanayay.

Booliiska ayaa dadkaas ku kala dareeriyey qiiqa dadka ka ilmeysiiya, kaddibna gidaar ayaa kusoo dumay dad badan oo doonayey in ay ka baxaan garoonka markii ay rabshaddu bilaabantay ee ciidankuna qiiqa fureen.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay mashaqadan oo dhacday iyadoo uu socdo wareegii ugu dambeeyey tartanka koobka heerka koobaad ee dalka Senegal, waxanay ciyaarta kama dambaysta ahi dhex maraysay labada kooxood ee la kala yidhaa Stade de Mbour iyo Union Sportive Ouakam.

Iyadoo ay labada kooxood kala marayaan 1-1 sagaashankii daqiiqo ee ciyaartu ku dhamaatay ayaa kooxda Stade de Mbour dhalisay gool wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta waxaanay ku badisay 2-1, waxaana isla markiiba bilaabmay rabashaddaa dadka galaafatay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bonucci Oo Ka Dalbaday Morata Inuu Ku Biiro AC Milan

Federer Oo Noqday Ninkii U Horeeyey Ee 8 Jeer Ku Guuleysta Horyaalka Wimbledon

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: