Sergio Ramos Oo Ganaax Ku Seegi Ciyaarta Lugta Koowaad Ee Semi Final-ka

Difaaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa ganaax dheeraad heli kara kadib markii xalay isagoo ganaaxan uu keydka fariistay.

The Spanish defender barked instructions at his team-mates in the closing stages

Kabtanka Los Blancos ayaa ganaax ku seegay kulankii xalay kooxdiisa ay u soo baxday marxalada afar dhamaadka Champions League.

DailyMail ayaa lagu daabacay in difaaca reer Spain kaliya loo ogolaa in ciyaarta uu ka daawado sheeda sare, laakiin uu ka soo ag dhawaaday ciyaartooyda keydka ee kooxdiisa, taasina uu ganaax ku muteysan karo.

Hadii UEFA ay furto kiiskaasi ka dhanka ah Ramos, waxaa suurta gal ah in ganaax uu la kulmo isla markaana uu seego kulanka lugta koowaad ee ciyaarta afar dhamaadka kooxdiisa ay la kulmi doonto midkood Bayern,Liverpool ama Roma.

Markii kooxdiisa lagu abaal mariyay gool ku laadka shaashadaha ayaa mar qura qabtay tababaraha Juventus Allgeri oo ay muran is dhaafsanayaan kabtanka Real Madrid Sergio Ramos.

Ugu danbeyn isku aadka marxalada afar dhamaadka Champions League ayaa maalinimada Jimcada ah ee soo aadan lagu qaban doonaa xarunta UEFA ee magaalada Nyon  ee dalka Switzerland.


 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.