Shakira Oo U Caqli Celinaysa Wiilkeeda Milan Kadib Guuldaradii Spain Ee Euro 2016

Milan, oo ah wiilka curad ee ciyaaryahan Gerard Pique iyo fanaanad Shakira ayaa baroor kala joojin waayay isagoo hooyadii gosha ku hayso, markii xulka Spain guuldarada 2-0 ka ah ay kala kulmeen Italy ciyaartii wareega 16 dhamaadka tartanka Euro 2016 Isniintii.

Xidigta fanka ee reer Columbia ayaa bogga khaaska ah ee ay ku leedahay shabakada Twitter ku baahisay, wiilkeeda curad oo ku lebisan funaanada xulka Spanishka Arbacadii, waxaanay raacisay qoraal u dhinaa sidan, “Anigoo u caqli celinaya aamusiinayana Milan kadib goolkii Italy.

“Goolka labaad ee xulka Talyaanigu dhashadeen ayaa ahaa mid xili dambe yimid daqiiqadii 91 aad ee ciyaarta, kaas oo uu shabaqa ku ruxay Graziano Pelle sidaasna guul ugu horseeday xulka qaranka Azzurri oo ay kaga mid noqdeen qaramada u gudbay wareega Quarter Finalka Euro 2016.