SIR HOOSE: Cristiano Ronaldo Oo Wali Jaceyl Xad Dhaaf Ah U Qaba Gacalisadiisii Hore

Cristiano Ronaldo ayaa qaar kamid ah saaxiibadiisa Real Madrid la wadaagay in wali uu jecyl u hayo Irina Shayk oo ay mar hasaawe wadaag ahaayeen laacibka Portugal.

 Ronaldo believes he and Irina split because she wanted a baby

Labadan shaqsi ee dunida caanka ka noqday ayaa markoodii koowaad kulmay koobkii aduunka ee 2010, laakiin xiriirkooda jaceyl ayaa idlaaday sadex sano ka hor.

Saaxiib Ronaldo kala tirsan kooxdiisa ayaa yiri “Ronaldo wali niyadiisa kama aysan go’in Irina Shayk”.

“Waxa uu ka shalenayaa sida xiriirkooda uu ku dhamaaday,walina waxa uu xiiseeyaa nolosheeda”.

“Kuma uusan fikirin in mar ay ka fogaan doonto iyada,waa uu ka xunyahay xiriirka jaceyl ay hada ku jirto”.

Irina Shayk ayaa hada u dhaxda jilaaga caanka ah Bradley Cooper, waxayna mar dhaw heleen ilmahoodii koowaad.

Cristiano Ronaldo ayaa hada ku jira nolol kale, waxaana u dhaxda Giorgiono Rodriguez oo caruur u heysa, waxaana uu xiriirkooda jiray tan iyo bishii November ee sanadkii 2016.

 Cristiano Ronaldo is congratulated by girlfriend Georgina Rodriguez after Champions League success last season

Giorgina oo ah haweeneey dharka xayeysiisa una dhalatay dalka Spain ayaa Ronaldo bishii November u dhashay Alana Martina oo ah gabar waxaana markale dhawaan qoyskooda ku soo biiray Eva iyo Mateo oo mataano ah.

Ronaldo ayaa horay u sheegay in uu doonayo in uu noqdo aabaha todobo caruur ah, isla markaana sidoo kale uu rajenyanayo in todobo jeer uu ku guuleysto abaal marinta Ballon Di’or.


 

 


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.