Sissoko: “Arsenal Waa Riyadayda, Balse Haatan Waxaan Ku Faraxsanahay Newcastle United”

Xiddiga kooxda Newcastle United Moussa Sissoko ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya inuu ku biirayo kooxda Arsenal xilligan inkasta oo aanu meesha ka saarin inuu mustaqbalka ku biiro.

Sissoko ayaa la hadal hayay inuu bishan January ku biirayo Arsenal balse suurta-galnimadaas Shalay ayuu soo afjaray isaga oo qiray inaanu jeclayn ku biiritaanka Arsenal wakhtigan balse kooxda ka dhisan waqooyiga London ay tahay koox uu ku riyoodo. Sidoo kale Sissoko waxaa isha ku haya kooxda Paris Saint Germain ee dalka Faransiiska, inkasta oo uu niyad jabiyay kooxda ka dhisan Paris maadaama uu jaceylkiisa siiyay Arsenal.

“Kooxda Arsenal waxaan ku riyoon jiray tan iyo markaan yaraa, Patrick Vieira ayaana ah qofka aan ku daydo, waxaana isku arkaa isaga oo kale inaan ahay” ayuu yidhi Sissoko.

Sissoko ayaa la weydiiyay Siduu u arki, haddii PSG iyo Arsenal ay soo dalbadaan “Weydiiya wakiilkayga, haatan waxaan ahay xiddig ka tirsan Newcastle United waana ku faraxsanahay”.

Ugu dmabeyntii Sissoko ayaa sheegay inaanu meelna uga socon wakhtigan kooxdiisa balse uu ku riyoonayo inuu ka mid noqdo Arsenal maalin uun.