Somaliland: Maxaa Ka Jira In Ay Ka Qayb Gelayso Koobka Afrika?

Jadwalka oo ay ka dhex muuqato Somaliland
Jadwalka oo ay ka dhex muuqato Somaliland

Waxa barasha bulshada si aad ah illaa Sabtidii loogu baahinayey muuqaal daawasho ah oo ku saabsan isku aadka ciyaaraha Qaramada Qaaradda Afrika, halkaas oo sida ka muuqata uu ku jiro magaca Somaliland, iyadoo weriyeyaal hadlayaana ay akhriyayaan.

Shakabadda www.cadalool.com oo arrintan baadhitaan ku samaysay ayaa waxa ay soo xaqiijisay in warkaasi aanu sax ahayn, laakiin uu yahay male awaal ay dad sameeyeen.

Video-gan ayaa lagu soo beegay, 9-kii bishan April oo ahayd maalintii uu xidhiidhka Afrika soo saaray isku-aadka koobka dhallinyarada Afrika ee ay da’doodu ka hoosayso 17 jirka, waxaana dalalka bariga Afrika kaga jira Djibouti, Kenya iyo Ethiopia, laakiin wax magac Somali ah sita oo ku jira tartankaasi ma jiraan, halka dad badan oo arkay muuqaalkan been abuurka ahi u qaateen in Somaliland-na kamid tahay wadamada ka qayb gallaya.

Isku aadka ka muuqda muuqaalka daawashada ah ee la baahiyey, ayaa khilaafsan dhammaanba jadwalka rasmiga ah ee la isugu beegay kooxaha.

shabakadda www.cadalool.com waxa kale oo ogaatay in ay jiraan tartamo loo qabto dalalka aan la aqoonsanin ee dunida, kuwaas oo Somaliland ay fursaddeeda ka heli karto haddii dedaal ay ka gasho dawladdu.

Jadwalka rasmiga ah ee Afcom waddamada ku jira iyo sida la isugu qaybiyey:

Group A: Tunisia, Togo, Liberia, Djibouti
Group B: Democratic Republic of Congo, Angola, Central Africa Republic, Madagascar
Group C: Mali, Equatorial Guinea, Benin, South Sudan
Group D: Burkina Faso, Uganda, Botswana, Comoros
Group E: Zambia, Congo, Kenya, Guinea Bissau
Group F: Cape Verde, Morocco, Libya, Sao Tome
Group G: Nigeria, Egypt, Tanzania, Chad
Group H: Ghana, Mozambique, Rwanda, Mauritius
Group I: Cote d’Ivoire, Sudan, Sierra Leone, Gabon
Group J: Algeria, Ethiopia, Lesotho, Seychelles
Group K: Senegal, Niger, Namibia, Burundi
Group L: Guinea, Malawi, Zimbabwe, Swaziland
Group M: Cameroon, South Africa, Gambia, Mauritania