Somaliland: Wasaaradda Ciyaaraha Oo Ku Faantay Waxqabad Aan Jirin

Agaasimaha Waaxdda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil, ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Sannadkii galbaday ee 2017, waxaanu tilmaamay in waxyaabo badani ay u qabsoomeen, waxaanu si gaar ah u sheegay in tartamo kale duwan ee Kubada Cagta ah, Kubada Kolayga iyo Ciyaaraha fudud ay ku qabteen Gobolada kala duwan ee dalka.

Agaasimaha Waaxdda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil,oo u waramay Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaashooda Sannadkan curtay ee 2018, waxaanu ugu horeyn yidhi “Sannadka 2017, Wasaarad ahaan wax badan baanu qabanay, wax badan baa noo qabsoomay, Tartamo kala duwan ayaanu ka qabanay Gobolada kala duwan ee dalka, sida Tartamada Kubada Cagta, Kubada Kolayga iyo Ciyaaraha fudud ama Orodka,sannadkan cusubna qorshayaal badan oo horumarineed oo dhinaca ciyaaraha ayaanu leenahay, insha allaah hadba sidii suurtagal ah ee aanu wax u qaban karno ayaanu u qaban doonaa, hadafkayaga iyo himiladayadu waa sidii ciyaaraha aanu horumar balaadhan u gaadhsiin lahayn”.

Dhinaca kale Agaasimaha Waaxdda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil, wuxuu tilmaamay in dib u habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey Garoonkii weyn ee Hargeysa Stadidum, in Garoomadii kala duwan ee waaweynaa ee uu qaranku leeyahay in Roogag la dhigay, si casriyana loo sameeyey, waxaanu xusay in hadba wixii karaankooda ah qaban doonaan.