Tababare Wenger Oo Shaaciyey In Sanchez Ka Tegay Arsenal

Xiddiga kooxda Arsenal, Alexis Sannchez ayaa ka tegaya Arsenal maalmaha soo socda, sida uu xaqiijiyey tababare Wenger oo warbaahinta la hadlay gellinkii dambe ee Axadda.

29 jirkan oo qandaraaska uu kula jiro Arsenal uu dhamaanayo badhtamaha sannadkan, ayaa u dhaqaaqi doona mid ka mid ah labada kooxood ee Manchester City iyo Manchester United, inkasta oo wakhti dambe ay loollanka kusoo biirtay Liverpool oo haysata lacag badan oo kaash ah oo ay ka heshay iibkii Philippe Coutinho.

“Wuu dallanaa wakhtigan, xaaladdiisana go’aan lagama gaadhin inuu tegayo iyo inkale, sidaas ayaan ugaga imid guriga si arrintiisa loo dhameeyo.” Sidaa waxa yidhi tababare Wenger oo xaqiijinayey in sababta looga tegay tahay inuu dhamaystiro heshiiska uu kaga tegayo Arsenal.

Mar la weydiiyey kooxda uu tegayo, waxa uu ku gaabsaday in aanu garanaynin, waxaase loo badinayaa in Manchester City iyo Manchester United ay yihiin kuwa uu dharkooda xidhan doono maalmaha soo socda.