Tottenham Iyo Real Madrid Oo Horumar Ka Sameeyey Wada-xaajoodka Harry Kane

Tottenham iyo Real Madrid ayaa la aaminsan yahay inay horumar ka sameeyeen wada xaajoodka ay ka leeyihiin kala iibsiga Harry Kane, kaas oo Real Madrid ay doonayso inay u xidho lambarka 10.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa saaka boggooda hore ay qaarkood ku qoreen in laacibka heerka caalami ee xulka qaranka England ee Kane uu u dhow yahay inuu heshiis u saxeexo Real Madrid.

Real Madrid oo uu dhaawac kaga maqan yahay Karim Benzema, isla markaana dhalintii ay ka dhamaatay Cristiano Ronaldo ayaa doonaysa inay isbeddel ku samayso ciyaarta hoosta usii dhacaysa ee ay kaga hadhay Barcelona oo 16 dhibcood ka horreysa.

Tababare Zidane ayaa ku adkaysanaya in aanu u baahnayn xiddigo cusub, hase yeeshee, madaxweyne Florentino Perez ayaa go’aansaday in aanu dhegaysanin macallinka wakhtigu ku xun yahay balse uu u keeno ciyaaryahanno badan oo kor usoo qaada kooxda.