Uefa oo baadhaysa qaskii ciyaartii Everton ee koobka Europa League

Hay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo Uefa ayaa baadhaysa qaskii hakiyay ciyaartii loogu soo baxayay koobka Europa League ee dhex martay Everton iyo Hajduk Split.

Ciyaarta ayaa la hakiyay daqiiqaddii 33aad ka dib markii taageereyaashii martida ahaa ay ku qamaameen dhanka garoonka ama barxada lagu ciyaarayay ee Goodison Park, ayna ku dhex tuureen waxyaabo kala duwan.

Labada kooxood ayaa garoonka gees ka istaagay ka hor intii aanay booliiska iyo shaqaalaha garoonku soo celinin kala dambayntii.

Ciyaartooyda martida ah ayaa taageerayaashooda ka dalbaday in ay is dajiyaan, ciyaartii ayaana dib loo billaabay ka dib shan daqiiqo oo ay taagnayd.

Kooxda Everton ayaa goolka koobaad dhashatay ka hor inta aanu qasku billaabanin, waxaana madaxa ugu dhaliyey Michael Keane.

Kooxdan lagu naanayso Toffees ayaa la timid goolkii labaad iyadoo uu u dhaliyay Idrissa Gueye ka dib markii ciyaarta dib loo billaabay, 2-0 ayayna sidaas ciyaartii ugu dhammaatay oo guushu ku raacday Everton.