USA Oo Goolkii Ugu Degdega Badnaa Taariikhda K-Aduunka Kaga Adkaatay Ghana

Weeraryahanka Clint Dempsey ayaa dhaliyey goolkii ugu degdega badnaa ee la dhaliyo taariikhda koobka aduunka , kaas oo ahaa goolkii xallay uu ka dhaliyey xulka xidigaha Madmadow ee Ghana , ciyaartu markii ay socotay 29 ilbidhiqsi oo kali ah.

Xulka qaranka Maraykanka ayaa 2-1 ugu awood sheegtay Ghana xallay , ciyaartii labaad ee Group G, kaas oo fiidnimadii hore ee xallay xulka Garmalku 4-0 ku muquuniyey Portuqal.

Andre Ayew ayaa Ghana ku soo celiyey tartanka oo ugu shubay goolkii barbar dhaca laakiin USA may noqon kuwo intaas ku istaaga , 4 daqiiqo oo kali ah markii laga joogey goolkaas ayuu laacibka bedelka ku soo gallay ee John Brooks uu shabaqa ku lulay kubad madax ahayd daqiiqadii 86 aad ee ciyaarta , kaas oo guusha u xaqiijiyey xulka tababare Klinsmann.


Ghana 1 2 USA GHANA I USA GHANA IY USA GHANA IYO USA OO GHANA IYO USA GHANA VS USA CIYAA GHANA VS USA OO GHANA VS USA X GHANA VS USA XA GHANA VS USA XAL GHANA VS USA XALA GHANA VS USA XALAY C GHANA VS USA XALAY GHANA VS USA XALLA GHANA VS USA XALLAY Ghana VS USA