Van Gaal Oo Diiday In Chicharito Ku Noqdo Manchester United

Louis Van Gaal ayaa si adag u diiday in uu weeraryahanka Javier Hernandez (Chicharito) ku noqdo Manchester United oo uu bilowgii xili-ciyaareedka amaah ugaga wareegay Real Madrid.

Van Gaal oo warbaahintu wax ka weydiisay mustaqbalka Chicharito ayaa ku jawaabay luuqad adag, waxaanu yidhi: “Mustaqbalka Chicharito? Mar hore ayaan kooxda ka diray.”

Tababarahan ayaa sheegay in gool iyo laba uu Chicharito u dhaliyey Real Madrid aanay waxba ka beddelaynin aragtidiisa ah in uu yahay ciyaartoy aan laga rabin Manchester United kaas oo loo arko in aanu waxba u tari doonin kooxda Red Devilas.

Van Gaal ayaa waxa uu isbarbar dhigay Chicharito iyo Danny Welbeck, waxaanu labadoodaba u sheegay in ay kooxda isaga tagaan, haddii ay joogaanna aanay ka heli doonin boos ay ka ciyaaraan.

“Waxa aan ku idhi sidii aan ku idhi Welbeck oo kale, waxaanay ahayd: ‘Waxa aad doqon doontaa beddel suga, taasina kuuma fiicna.’”

Mustaqbalka weeraryahanka reer Mexico ee Chicharito ayaan caddayn, waxaana marka uu xili-ciyaareedkani dhamaado gebogeboobi doona sannad amaah ah oo uu kula joogay Real Madrid. Haddii ay Real dooneyso in ay haysato ciyaartoygan waa in ay bixiso lacag u dhaxaysa 10-20 milyan.

Xaaladdiisa waxa sii adkeeyey hadalka Van Gaal ee ah in aanu dooneynin in uu ciyaartoygani ku soo laabto Red Devils, taas ayaa laga yaabaa in ay ku khasabto Manchester United in ay lacag jaban kaga iibiso Real Madrid.