Van Persie Injured: Dhaawac Haleelay Van Persie Oo Ruxay United

man united oo la garaacay 6Dhaawac cusub oo haleelay Robin van Persie ayaa muddo garoomada kaga maqnaan doonaa taas oo walaac kaga tagtay tababare Van Gaal kadib markii uu laacibkani uu ka baxay garoonka kulankii Swansea City isagoo xidhan kabaha illaalada Sabtidii.

Laacibkan reer Netherlands ayaa ku soo laabtay kooxda koowaad ee Manchester kadib markii uu seegay kulankii FA Cup ee ay kooxdiisu u safartay Preston North End Isniintii hore.

Van Persie ayaa awoodi kari waayey in uu wax saamayn ah ku yeesho ciyaartii Sabtidii lagu garaacay kooxdiisa 2-1 ee garoonka Liberty Stadium, waxaana la hadal hayaa in uu muddo ka maqnaan doono garoomada.

Tababare Louis van Gaal oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay sababtii uu u beddeli waayey Van Persie isaga oo dhaawacanna uu u sii ciyaarayay, waxaanu ku dooday in uu mar hore saddex ciyaartoy beddelay oo aan loo ogolayn in uu qof afraad beddelo.

United waxa ay toddobaadka dambe wada ciyaari doonaan Sunderland.