(Video) Saxafi Dirqi Kaga Bad baaday Ibrahimovic oo Uu Innankiisa Yar Ismoogaan u Jiidhay

Saxafiyiin badan ayaa looga digay inay u dhawaadaan Zlatan Ibrahimovic Marka uu gacanta hayo wiilkiisa Yar si aanay ugu dhicin khatartii uu gallay saxafi ka tirsan warbaahintii ka qayb gallaysay dabaal degga horyaalnimada Naadiga Paris Saint Garmen oo dirqi kaga badbaaday inuu gacan saaro weeraryahanka Reer Sweden.

Saxafiga ayaa sida muuqaalkan la duubay ka muuqata is moogaan u jiidhay ina Ibraahim oo haysta gacanta aabihii, laakiin isla markiiba Zlatan ayaa tukhaan tukhiyey weriyihii degdegsanaa in kasta oo uu markii dambe raali galliyey.

Si aad dhacdadaas uga bogato , Daawo Muuqaalkan hoose: