Villarreal Oo Ay Faro Cididood Kaga Baxsatay Barcelona

Ciyaaryahanka Lionel Messi ayaa ku guntaday kooxda Barcelona oo ku sigatay inay guuldaro kale dhadhamiso kadib markii ay ka soo dhaqaaqday 2-0 lagaga naxsaday, kagana badisay Villarreal 3-2 xallay, rajadii horyaalkuna sidaas ku noqotay mid wali ay sii quudarayso .

Naadiga horyaalka difaacaya ayaa 2-0 ayaa loo dhiibay 60 kii daqiiqo ee u horeeyey kuwaas oo ay kala dhaliyeen Cani iyo Trigueros, laakiin laba gool oo ay iska dhaliyeen ciyaaryahanada Gabriel Paulista iyo Mateo Musacchio ayaa soo nooleeyey rajadii kooxda tababare Gerardo Martino.

Ciyaarta oo ay ka dhiman yihiin 12 daqiiqo oo qudh ahina, Messi ayaa si qurux badan u dhamaystiray kubad ay ka soo shaqeeyeen Sergio Busquets iyo Cesc Fabregas, kaasi oo badbaado u noqday 3 dii dhibcood ee shakigu ku jiray inay la caraabaan kooxdan reer Catalan ee tacsidu u taalay todobaadkanba.