Waa Maxay Ujeedadda Tababar Ciyaareed Oo Ka Socda Hargeysa?

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, ayaa ka hadlay tababar dhinaca orodka ah oo Tababare Jaamac Karaaciin oo ah Tababare caan ah oo u dhashay Somaliland oo Orodyahanada Somaliland ku siinayo Garoonka Tareeriska ee Magaalada Hargeysa, waxaanu ku baaqay in Tababarkaas laga faa’iidaysto.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Waxaan shalay galab soo indho-indheeyey Garoonka Tareeriska, oo Tababarihii weynaa ee caanka ahaa ee u dhashay Somaliland ee Jaamac Karaaciin ayaa tababar ku siinayaa Orodyahanada dalkeena, waxaana dhalinyarada orodyahada ah ee dalkeena aan farayaa inay ka faa’iidaystaan aqoonta caalamiga ah, ee Jaamac Karaaciin, dhab ahaana Tababare Jaamac Karaaciin, waa Tababare caalamiya,oo Adduunka oo dhan laga yaqaan, waxaanu doonaynaa inuu orodyahanada dalkeena uu tababar caalamiya uu siiyo, ee waa in tababarkaas lagu soo hirtaa, lagana qayb qaata”.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Hadafkaygu waa sidii aanu sare ugu qaadi lahayn tayada ciyaaraha ee dalka, wax badan oo aanu qabanay wey jiraan, wax badan oo aanu qabanayno haddii ALLE idmo markay wakhtigeeda gaadhana wey jiraan, himiladayduna waa sidii aanu horumar dhinac kasta ah ciyaaraha dalka u gaadhsiin lahayn”.